Maxaa Keena Dhiig-Karka, Sideese Looga Hortagaa?

Hordhac

Dhiig-karku (hypertension) waa cudur caafimaad oo halis ah oo si tartiib tartiib ah u saameeya xubnaha muhiimka ah ee jidhka, sida wadnaha, kelyaha, iyo maskaxda. Dhiig-karku waxaa loogu  yeedhaa  “Dilaaga aamusan” maadaama aanu badanaa lahayn calaamado muuqda. Hase yeeshee, marka la ogaanayo xaaladdaha iyo sababaha keena dhiig-karka, waxaa lagama maarmaan ah in la qaado tallaabooyin caafimaad si loo yareeyo khataraha cudurada halista ah ee ka dhasha dhiig-karka, sida wadna xanuunka, stroke, iyo cudurrada kelyaha.

Maqaalkani wuxuu diiradda saarayaa sababaha dhiig-karka, calaamadaha, iyo talooyin ku saabsan sida looga hortago ama loo maareeyo dhiig-karka sare si loo ilaaliyo caafimaadkaaga guud ee jidhka.

Muxuu yahay Dhiig-Karku?

Dhiig-karku waa marka dhiiggu uu cadaadiyo darbiyada xididdada dhiigga si ka sarreeya heerarka caadiga ah. Waxaa lagu cabiraa millimitir mercury (mm Hg). Marka dhiigga uu si xooggan u dhex socdo xididdada dhiigga, wuxuu sababi karaa dhibaatoyin caafimaad. Dhiig-karka waxaa lagu cabiraa laba heer:

  1. Cadaadiska Systolic – Waa midka sare: Tani waa cadaadiska dhiigga uu wadnuhu ku garaacayo si xoog leh halbowlayaasha (xididdada dhiigga). Waa heerka ugu sareeya ee cabirka dhiigga, markaas oo wadnaha uu dhiigga riixayo si uu ugu gudbiyo jidhka.

tusaale ahaan haddii uu yahay 120/80, markaas 120 waa cadaadiska Systolic.
👉 Waxay muujinaysaa xoogga uu wadnuhu ku shaqaynayo marka uu dhiigga ku riixayo jidhka intiisa kale.

  • Cadaadiska Hoose (Diastolic Pressure): Tani waa cadaadiska dhiigga marka wadnuhu nasanayo intii aanu garaacin mar kale. Waa heerka ugu hooseeya ee cabirka dhiigga, xilligaas oo wadnaha uu nasanayo taas oo uu dhiiggu uu si tartiib ah u socdo.

tusaale haddii uu yahay 120/80, markaas 80 waa cadaadiska Diastolic.
👉 Waxay muujinaysaa cadaadiska ku jira xididdada dhiigga marka wadnuhu uu nasanayo.

Marka cabbirka dhiigga uu ka sarreeyo 130/80 mm Hg, waxaa loo yaqaan dhiig-karka sare. Marka cabbirka dhiigga uu gaadhoo 140/90 mm Hg ama ka sarreeyo, waxaa loo yaqaan dhiig-karka sare ee halista leh.

Maxaa Sababa Dhiig-Karka?

Dhiig-karka sare waxaa keeni kara dhowr arrimood oo la xidhiidha caafimaadka qofka iyo nololmaalmeedkiisa. Sababaha ugu badan ee dhiig-karka waxaa ka mid ah:

  1. Cuntooyinka Aan Caafimaadka Qabinin: Cunista cuntooyinka leh cusbo badan, dufan, iyo sonkor waxay kordhiyaan dhiig-karka. Milixda badan ee cuntada ayaa sidoo kale ka mid ah sababaha dhiig-karka. Cunista cuntooyinka hodanka ku ah potassium, magnesium, iyo folate, sida khudaarta cagaaran, miraha, iyo digirta, waxay ka hortagi kartaa dhiig-karka.
  2. Isticmaalka Tubaakada: Cabbista sigaarku waxay kordhisaa dhiig-karka waxayna keeni kartaa in xididdada dhiigga ay adkaadaan. Cabbista sigaarku waxay sidoo kale dhaawacdaa xididdada dhiigga, taasoo ka dhigaysa inay adkaato isu socodka dhiiggu.
  3. Miisaanka Xad-dhaafka ah: Dadka miisaanka xad-dhaafka ah waxay u nugul yihiin dhiig-karka. Miisaanka badan wuxuu kordhiyaa cadaadiska dhiigga, sababtoo ah waddnaha ayaa u baahan in uu si xoog leh uu u shaqeeyo si uu dhiigga u sii daayo.
  4. Dhaxal ama Hide Qoyskiina ah: Haddii qoyskaaga uu leeyahay taariikh dhiig-karka, waxaa suuragal ah inaad u nugu shahay xaaladdan. Dhiig-karka  wuxuu noqon karaa cudur dhaxal ah, iyadoo dadka qaar ay dhaxlaan dabeecadaha caafimaad ee keena dhiig-karka.
  5. Stress-ka Joogtada ah: Stress-ka joogtada ah wuxuu sababi karaa in dhiiggu sareeyo. Markaad dareento culeys maskaxeed, jidhkaagu wuxuu sii daayaa hormoonnada keeni kara in dhiiggu uu kordho.

Calaamadaha Dhiig-Karka Sare

Calaamadaha dhiig-karka s badanaa ma aha kuwo si muuqata u muuqda ilaa dhiig-karku uu gaadho heer halis ah. Qaar ka mid ah calaamadaha dhiig-karka waxaa ka mid ah:

  • Madax xanuun joogto ah
  • Neefsashada oo kugu yaraata
  • Daal xad dhaaf ah
  • Aragga oo daciifa
  • Xanuun dhabarka ah

In kasta oo calaamadahaasi ay yihiin kuwa ay la kulmaan dadka qaar, waxaa muhiim ah in dhiig-karka si joogto ah loo hubiyo, iyadoo si fudud loo samayn karo baadhitaan caafimaad oo ku saabsan heerka dhiigga.

Sideese Looga Hortagaa Dhiig-Karka?

In kasta oo dhiig-karka  uu yahay cudur si fudud u soo ifbaxaya, waxaa jira siyaabo badan oo looga hortagi karo. Talooyinkan ayaa kaa caawin kara inaad iska ilaaliso dhiig-karka:

  1. Cunto Caafimaad Leh: Cun cuntooyinka hodanka ku ah potassium, magnesium, iyo folate. Khudaarta cagaaran, miraha, iyo digirta waxay kaa caawin karaan inaad hoos u dhigto dhiig-karka. Sidoo kale, iska yaree milixda cuntadaada, maadaama milixda badan ay kordhiso dhiig-karka.
  2. Jimicsi Joogto ah: Jimicsigu wuxuu ka caawin karaa hoos u dhigista dhiig-karka. Waxaa muhiim ah in aad sameyso ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi ah toddobaadkii. Jimicsiyada fudud sida socodka ama orodka waxay si weyn uga hortagi karaan dhiig-karka.
  3. Ka Fogaanshaha Stress-ka: Stress-ka joogtada ah wuxuu sababi karaa in dhiiggu uu kordho. Si looga hortago stress-ka, qaado waqti aad ku nasato.
  4. Maamul Miisaankaaga: Haddii aad leedahay miisaanka xad dhaaf ah, hoos u dhigista miisaankaagu waxay caawin kartaa in dhiig-karku uu hoos u dhaco. Cunto caafimaad leh iyo jimicsi joogto ah ayaa kaa caawin kara inaad gaadho heer miisaanka oo caafimaad leh.
  5. Daawooyinka: Haddii ay adag tahay in dhiig-karka hoos loo dhigo, dhakhtarkaaga ayaa kuu qori kara daawooyin si loo xakameeyo xaaladda. Waa muhiim inaad raacdo tilmaamaha dhakhtarka iyo inaad si joogto ah u qaadato daawooyinkaaga.

Goorma Ayuu Loo Baahan Yahay In La Booqdo Dhakhtar?

Haddii aad leedahay dhiig-karka, waxaa muhiim ah inaad si joogto ah u booqato dhakhtar. Baadhitaanno caafimaad oo joogto ah iyo inaad hesho talooyin caafimaad ood ka hesho xirfadlayaasha caafimaadka ayaa kaa caawin kara inaad ka hortagto dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara dhiig-karka.

Gunaanad

Dhiig-karku waa cudur caafimaad oo laga hortagi karo haddii la raaco talooyin caafimaad oo habboon. Adigoo raacaya talooyinka caafimaad ee kor ku xusan, waxaad yareyn kartaa halista cudurada wadnaha iyo xididdada dhiigga, sidoo kale waxaad ku ilaalin kartaa caafimaadkaaga guud. Waa muhiim inaad si joogto ah u hubiso dhiig-karka, isla markaana aad la socoto isbeddelada caafimaadkaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *