Hordhac
Caabuqa kaadi mareenka (UTI) waa cudur si weyn ugu faafa bulshada, waxaana uu dhacaa marka bakteeriyo gasho kaadi haysta, kaadi mareenka ama kilyaha. Inkastoo uu qof walba ku dhici karo, haddana dumarku waa kuwa ugu nugul cudurkan sababo la xidhiidha qaab-dhismeedka jidhkooda awgeed.
Waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed la gaadhsiiyo wacyigelin ku saabsan UTI, maadaama ay dhibaatooyin caafimaad oo halis ah keeni karto haddii aan si dhakhso leh loo daaweyn.
Waa Maxay Caabuqa Kaadi Mareenka (UTI)?
UTI waxaa sababa bakteeriyo, gaar ahaan nooca loo yaqaan Escherichia coli (E. coli), taas oo si caadi ah uga timaadda malawadka oo ku gudba kaadi mareenka. Waxyaabaha kordhiya halista UTI-ga waxaa kamid ah:
- Nadaafad xumo ama si khaldan oo loo istijoodo ka waqtiga suuliga lagu jiro
- Galmada joogtada ah
- Kaadida oo dib la iskugu celiyo
- Uurka (haweenka uurka leh)
- Isticmaalka maryaha cidhiidhiga ah
- Dhiig yari ama difaac jidheed oo liita
- Da’da oo wayn ama xanuunno kale sida macaanka
👉 Akhri sidoo kale: Macaanka iyo Dhalinyarada – Khatar Cusub oo Kordhaysa
Calaamadaha Caabuqa Kaadi Mareenka
Calaamadaha UTI waxay ku xidhan yihiin meesha uu caabuqu ku dhacay. Kuwa ugu badan waxaa ka mid ah:
- Xanuun iyo gubasho marka la kaadinayo
- Kaadi joogto ah oo qofka dareemayo inuu mar kasta doonayo inuu kaadsho
- Kaadi ur xun leh ama midab aan caadi ahayn (caddaan isku darsan ama dhiig leh)
- Qandho iyo dareen xanuun guud oo jidhka ah
- Xanuun dhabarka hoose ama caloosha hoose
- Daal iyo tabardarri
Maxaa Lagu Garanayaa UTI?
Haddii aad dareento calaamadaha kore, waxaa muhiim ah inaad la xidhiidho xarun caafimaad. Baadhitaan fudud oo ah kaadi (urine test) ayaa lagu ogaan karaa caabuqa. Haddii UTI-da gaadhoo kilyaha, waxaa lagu ogaan karaa baadhitaanno dheeraad ah sida:
- Urine culture
- Baadhitaan dhiig
- Ultrasound ama CT scan
Daawaynta Caabuqa Kaadi Mareenka
UTI-da badanaa waxaa lagu daaweeyaa antibiyootiko (antibiotics) uu dhakhtar qoro. Waxaa muhiim ah in aad dhamaystirto daawada lagu siiyo xitaa haddii calaamaduhu yaraadaan.
Intaa waxaa dheer:
- Cab biyo badan si loo nadiifiyo kaadi mareenka
- Marka aad dareento kaadi hore u gal musqusha.
- Iska ilaali in aad kaadida celiso muddo dheer
- U isticmaal xafaayadaha iyo maryaha iyagoo nadiif ah
Ka Hortagga Caabuqa Kaadi Mareenka
- Isu nadiifi si sax ah
- Cab biyo badan maalintii
- Iskuday inaad kaadido ka dib galmada
- Iska ilaali dhar cidhiidhi ah inaad xidhato
- Nadaafadda gogosha iyo musqusha si joogto ah u ilaali
Gunaanad
UTI waa cudur la daaweyn karo haddii si degdeg ah loo ogaado. Haddii aan la daaweyn, waxay sababi kartaa dhibaatooyin halis ah sida caabuqa kilyaha oo u baahan daryeel isbitaal.
Bulshada Soomaaliyeed waa inay helaan wacyigelin ku filan si ay u ilaashadaan caafimaadkooda, gaar ahaan haweenka uurka leh, caruurta, iyo dadka waayeelka ah.
Fayodhawr.com wuxuu ka go’an yahay in uu bulshada u fidiyo xog caafimaad oo la isku halleyn karo.
Fiiro Gaar ah
Qoraalkan waxa uu ujeedkiisu yahay wacyigelin iyo macluumaad guud oo caafimaad. Ma aha talo rasmi ah oo dhakhtar.
Haddii aad dareento gubasho markaad kaadineyso, kaadi leh dhiig ama ur xun — ha sugin.
La xidhiidh xarun caafimaad si degdeg ah si aad u hesho baadhitaan iyo daaweyn habboon.
Tixraacyo (External References)
- Mayo Clinic: https://www.mayoclinic.org/diseases-conditions/urinary-tract-infection
- CDC (Centers for Disease Control): https://www.cdc.gov/antibiotic-use/community/for-patients/common-illnesses/uti.html
- World Health Organization (WHO): https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/urinary-tract-infections