Folic Acid: Daawo Muhiim u ah Hooyada Uurka Leh iyo Ilmaha Ay Sido

Folic Acid waa nafaqo muhiim ah oo jidhku u baahan yahay, gaar ahaan dumarka uurka leh. Nafaqadan waxa sidoo kale loo yaqaan Vitamin B9, waxaanay door weyn ka ciyaartaa korniinka caafimaadka leh ee ilmaha uurka ku jira. Maqaalkan waxa aynu ku falanqayn doonaa faa’iidooyinka Folic Acid, wakhtiga ugu habboon ee la qaato, iyo cuntooyinka laga heli karo – si hooyada uurka leh iyo bulshada guud ahaan u helaan wacyigelin caafimaad oo muhiim ah.

Waa maxay Folic Acid?

Folic Acid waa nooc ka mid ah folate (Vitamin B9), taas oo jidhka u baahan yahay si uu u sameeyo unugyo cusub oo caafimaad qaba. Waxa si gaar ah muhiim ugu yahay korriinka maskaxda iyo lafaha ilmaha uurka ku jira, iyadoo yareynaysa halista dhaawacyada ilmaha uurka ku jira a ee la xidhiidha xangullaha.

Maxaa Dhicikara hadii aanay hooyadu qaadan Folic Acid?

Cilmi-baadhisyo caafimaad ayaa muujinaya in hooyooyinka aan helin Folic Acid ku filan inta ka horaysa iyo bilaha hore ee uurka ay halis ugu jiraan:

  • dhaawac ku yimaadda ilamaha uurka ku jira maskaxdiisa ama xangullihiisa.
  • Miisaanka ilmaha oo hooseeya marka uu dhasho.
  • Dhalmada oo ka soo hor marta waqtigii caadiga ahaa (premature birth).
  • Dhibaatooyin la xidhiidha korriinka maskaxda ilmaha.

Goorma Ayey Hooyadu Bilaabi Kartaa Qaadashada Folic Acid?

Waqtiga ugu wanaagsan waa in hooyadu ay bilowdo qaadashada Folic Acid ugu yaraan 3 bilood ka hor inta aanay uur yeelan. Sida ay WHO (World Health Organization) sheegtay, hooyooyinka filaya inay uur qaadaan waa in ay qaataan 400 micrograms maalintii.

Marka ay hooyadu uur yeelato, waxa muhiim ah in ay sii waddo qaadashada Folic Acid inta lagu jiro:

  • Sadexda bilood ee ugu horreeya (Trimester 1): Waa xilligii ugu muhiimsanaa ee xangullaha ilmahu ay samaysmayaan.

Cuntooyinka Laga Helo Folic Acid Dabiici ah

Inkastoo qaadashada kaniinka Folic Acid ay muhiim yihiin, cuntooyinka dabiiciga ah ee hodanka ku ah folate ayaa sidoo kale kaalin weyn leh ku leh hooyada uurka leh:

  • Cuntooyinka Cagaaran sida spinach, broccoli
  • Digirta iyo baradhada macaan
  • Canjeero iyo galleyda.
  • Liinta, mooska, iyo avocado-da.

Cuntooyinkan waa in si joogto ah looga dhigo qayb ka mid ah cuntada hooyada uurka leh.

Faa’iidooyinka Folic Acid

  1. Waxay ka hortagtaa dhaawacyada maskaxda iyo laf-dhabarta ilmaha.
  2. Waxay hooyad ka caawisaa sameynta dhiig caafimaad kiisu sareeyo.
  3. Waxay yaraysaa halista in ilmuhu caafimaad daro ku dasho.
  4. Waxay ka qayb qaadataa koritaanka lafaha iyo maskaxda ilmaha
  5. Waxay yaraysaa halista in dhalmadmu ka soo hor marto waqtigeeda sidoo kale ilmaha miisaankiisu yaraado.

Fariin Wacyigelin ah

Hooyo kasta oo uur leh waa in lagu wacyigeliyaa muhiimadda ay leedahay Folic Acid, si ilmaha ay dhali doonto uu u yeesho maskax iyo jidh korriin kiisu fiican yahay. Wacyigelinta waxa ay noqon kartaa:

  • Talo caafimaad oo joogto ah.
  • Barnaamijyo raadiyo iyo telefishan ah.
  • Warbaahinta bulshada (Facebook, WhatsApp groups, iwm.)

Akhri Sidoo Kale:

Gabagabo

Folic Acid waa difaac lagama maarmaan ah oo ilaaliya ilmaha aan weli dhalan. Hooyada uurka leh ee qaadata Folic Acid waxay yareyneysaa khatarta cudurrada ilmaha una sahalaysa inuu ka badbaado ilmahu khatar caafimaad waqtiga dhalmaad. Waxaa muhiim ah in haweenka Soomaaliyeed si joogto ah loogu baraarujiyo isticmaalka Folic Acid, gaar ahaan kahor uurka iyo bilaha hore ee uurka labadaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *