Hordhac
Macaanka iyo Dhalinyarada: Maanta, dhalinyarada Soomaaliyeed waxay la tacaalayaan dhibaato caafimaad oo hore loogu tirin jiray dadka waaweyn. Mid ka mid ah khataraha cusub ee aad u soo badanaya waa cudurka macaanka ama sonkorowga. Waxaa isa soo taraya dhalinyarada da’doodu tahay 15 ilaa 30 sano kuwaas oo la kulmaya calaamado muujinaya cudurkan halista ah.
Tani waxay dhalisay su’aalo muhiim ah: Maxaa sababay? Sidee ayay noloshoodu isu beddeshay? Halkee ayuu dhibku ka jiraa?
Maqaalkan waxaan ku faahfaahin doonaa sababaha, calaamadaha, iyo sida looga hortago macaanka dhalinyarada si loo badbaadiyo caafimaadka jiilka cusub.
Waa Maxay Sonkorowgu?
Sonkorowgu waa cudur muddo dheer qofka la noolaan kara kaas oo la xidhiidha heerka sonkorta ee dhiigga. Marka jidhkeenu aanu si fiican u maamulin insuliinka — oo ah hormoonka xakameeya sonkorta — heerka sonkorta dhiigga ayaa kordha, taas oo keenta xaalad halis ah.
Waxaa jira laba nooc oo xanuunka macaanka am sonkorow ah:
- Nooca 1aad: Jidhka ayaa gabi ahaanba joojiya soo saarista insuliin.
- Nooca 2aad: Jidhka wuu sameeyaa insuliin, laakiin si fiican uma adeegsan karo.
Nooca 2aad ayaa ah nooca si degdeg ah ugu kordhaya dhalinyarada maanta, tan oo aan hore loogu arki jirin dhalinyarada.
Calaamadaha Sonkorowga am Macaanka
Macaanka ama Sonkorowgu wuxuu leeyahay calaamado kala duwan; qaar ka mid ah waa kuwo aad u daran, halka kuwo kalena ay yihiin astaamo khafiif ah oo si sahlan loo dayici karo haddii aan feejignaan la muujinin
- Daal badan iyo hurdo la’aan
- Harraad joogto ah
- Kaadida oo batata habeenkii
- Miisaanka oo si lama filaan ah u dhaca
- Aragga oo daciifa ama mugdi noqda
- Qufac fudud iyo finan iska soo baxa
Qofka dhalinyarda ah ee leh mid ama dhowr calaamadood oo ka mid ah kuwaas, wuxuu u baahan yahay in si dhakhso ah loo baadho heerka sonkorta dhiiggiisa, waa inuu tagaa goobaha caafimaad ee ugu dhaw.
Maxaa Sababay Xanuunka Macaanka am Sonkorowga ee Dhalinyarada ku soo badanaya waqtigan?
Waxaa jira arrimo badan oo door muhiim ah ka ciyaara sare u kaca cudurka macaanka am sonkorowga ee dhalinyarada:
✅ Cunto xumada
Dhalinyarada ayaa waqtiyadan danbe aad u isticmaala cuntooyinka loo yaqaan (Fast Foods-ka), cabitaanada macaan, keega, buskudka, iyo rootiga cad—kuwaasoo si xad-dhaaf ah u kordhiya sonkorta jidhka.
✅ Jimicsi la’aan
Nolosha casriga ah waxay dhalinyarada xayndaab uga dhigtay isticmaalka taleefanka, TV iyo kombiyuutarka, tani waxay keentay inJimicsigii yaraado taas oo sababtay in jidhku lumiyo awooddiisii uu sonkorta si dabiici ah ugu maareyn lahaa.
✅ Miisaan korodh
Cuntada badan iyo dhaqdhaqaaq la’aantu waxay dhalinyarada badankood u horseedaa miisaan xad-dhaaf ah — arrinkan oo si toos ah loola xidhiidhinayo macaanka iyo sonkorowga. Halkan ka akhari cabirka miisaanka.
✅ Dhaxal am Hidde
Dhalinyarada qaar waxay xanuunka ka dhaxalaan waalidkood oo horey u lahaa macaanka am sonkorowga.
Khatarta Mustaqbalka ee Sonkorowga
Haddii aynaan xakameyn, macaanka am sonkorowgu wuxuu dhalinyarada u horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin:
- Indho la’aan ama arag daciif ah
- Wadno xanuun
- Dhibaato kelyaha ah
- Xanuun iyo dareen la’aan lugaha iyo gacmaha ah
- Daal badan iyo niyad jab joogto ah
Cudurka macaanku am sonkorowgu maaha mid si fudud loo daaweyn karo, balse waa lala noolaan karaa haddii la fahmo oo la xakameeyo.
Sidee Dhalinyarada Isaga Ilaalin Karaan Sonkorowga?
1. Cun Cunto Caafimaad leh
- Ka fogow cuntooyinka dufanka iyo sonkorta leh.
- Ku beddel midhaha, khudaarta, hilibka aan baruurta lahayn iyo badarka kale ee ka baxa dhulkeena.
- Cun canjeero laga sameeya midhaha sida heeda, garawga, qamadida halkii aad ka cuni lahayd roodhida am cajeerada laga sameeyay daqiiqada cad.
2. Samee Jimicsi Joogto ah
- Soco 30 daqiiqo maalin kasta, orod fudud ama jimicsi guriga ah ayaa wax weyn ka tari kara dhimista khatarta macaanka.
- Iska yaree waqtiga aad ku qaadato fadhiga iyo shaashaddaha.
3. La Soco Heerka Sonkorta
- Mararka qaar iska baadh sonkorta dhiigga, gaar ahaan haddii aad leedahay calaamado ama qoyskaagu u leeyihiin hidde.
- Iska jir inaad iska daaweyso adiga oo aan la tashan xirfadle caafimaad.
4. Adeegso Dhir Dabiici ah (talo ahaan)
- Dhirta sida toonta, aloe vera, iyo xabad sowda ayaa loo adeegsadaa xakameynta sonkorta—laakiin ogow, la tasho dhakhtar.
Gunaanad: Ka Hortaggu Waa Furaha
Xanuunka macaanku am sonkorowgu waa khatar caafimaad oo soo wajahday dhalinyarada soomaaliyeed waana khatar aan la iska indho-tiri karin. Nolosha casriga ah, cuntooyinka isbadalay, iyo fadhiga badan waxay dhalinyaradeena u horseedeen khatar caafimaad oo weyn.
Soomaalidu waxay mar walba qiimeyn jirtay caafimaadka jidhka iyo maskaxda — waana waqtigii aan dib u soo nooleyn lahayn dhaqankii caafimaadka ku saleysnaa.
Waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo wacyigelin joogto ah, lana barto cuntada caafimaadka leh, muhiimada jimicsiga, si aynu uga hortagi karno khatarta xanuunkan.
Fayodhawr.com waxa ka go’an inay dhalinyarada Soomaaliyeed ku hagto waddo caafimaadka saxada ah, waddo leh mustaqbal ifaya, iyo nolol ka fayoow cudurada halista ah ee waqtiyada danbe soo kordhay.
Caafimaadkaagu waa hantidaada. Maanta bilow, berri badbaadi!
Tixraacyo
WHO. (2024). Warbixinta Cudurka Sonkorowga.
CDC. (2024). Sababaha iyo Ka-hortagga Sonkorowga.
Mayo Clinic. (2024). Sonkorowga Dhalinyarada.